DHAGEYSO:- Guryihii Dowladda oo la Boobayo iyo masuuliyiin sare oo lagu helay Cadeymo ah iney boobayaan

0

Qasnajiyihii hore ee Bangiga Soomaaliya, Xasan Cilmi Barqadle ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda in ay qorsheenayan in ay ka saaraan Shaqaalihii hore ee Bangiga Guryo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Xasan Cilmo Barqadle ayaa ku tilmaamay ujeedka Guryahaasi looga sarayo shaqaalihii hore in loo adeegsado dano gaar ah islamarkaana dhaqaalihii ka soo xarooda loo isticmaal doorashooyinka Dalka.

Waxaa mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga Dhexe ee Dowladda Soomaaliya lagu eedeynayaa in xiligan ay ku mashquulsan yihiin iibinta guryaha ay leeyihiin Shaqaalihii hore ee Bangiga.

Sikastaba, Xubno ka tirsan Maxkamada Sare ee Dalka ayaa la sheegayaa in ay ku lug leeyihiin boobka la sheegay in lagu hayo guryaha ay leeyihiin Shaqaalihii hore ee Bangiga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-