DHAGEYSO:- C/raxmaan Yariisoow oo fashilay Siyaasada iyo Damaca Xasan Sheekh ee doorashada

0

Siyaasiga C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo xilal badan ka soo qabtay Dawladihii Dalka soo maray hadana wax badan kala socda Shirka madasha Wadatashiga Qaran Ee Ka Socda Muqdisho waxa uu sheegay inuu ku baaqay Seddex Talo oo lagma maar maan ah hadii la qaadanayo.

  1. Hadii la hayo Lacagaha doorashada,Amnigii Doorashada lagu sugi lahaa uu qabo in lix bil kadib doorashada la galo Janaayo ama Febraayo 2017-ka
  1. Hadii aan la heynin dhaqaalihii iyo Amnigii Doorashada lagu sugi lahaa ay muhiim aheyd sidii 2012-kii wax usoo doortaan 135 oday dhaqameed.
  1. Hadii la isku mari la’yahay doorashada is jiid jiidna uu jiro uu soo jeediyey in Dawlada hadda jirta Hal Sano loogu daro si loo gaaro nidaam doorasho oo lacag iyo Amni lagu sugi karo loo gaaro.

ENG: C/raxmaan Yariisoow ayaa sidoo kale soo jeediyey hadii la waayey lacagtii doorashada lagu sugi lahaa Amniga oo beesha Caalamka bixin lahaayeen Xildhibaanada cusub laga qaado qofkiiba 5 kun si loogu kabo Amniga Doorashada la qabanayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-