WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saakay Safar deg deg ah u amba baxaya xilli aan weli la soo gabagabeyn Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminyao ayaa saakay u amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isagoo halkaasi kaga qeyb galaya shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka socota qaar ka mid ah wadamada Afrika, waxaana inta badan diirada lagu saari doonaa xaalada guud ee Soomaaliya iyo colaadaha ka aloolsan Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo kulankaan, oo ay isugu imaan doonaan qaar ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo hey’adaha daneeyo Amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka uu shirkan soo gaba gaboobo waxa uu si gaar ah ula kulmi doonaa madaxda Itoobiya waxaana uu kala hadli doonaa sidii ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay u xoojin lahaayeen howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa marka uu ka soo qeyb galo shirka halka maalin ka soconaya dalka Itoobiya waxa uu dib ugu soo laaban doonaa Soomaaliya si uu u soo xiro shirka Madasha Qaran oo Muqdisho ka socda.