DEG DEG:- Ahlu Sunna oo sii deysay Odayaal ay Xabsiga dhigeen Shalay galab

0

Shalay galinkii dambe Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe waxaa ay Xabsiga u taxaabeen ku dhawaad 10 Oday oo ka mid ah Dadka Degaanka,balse lagu Eedeeyay in ay la Macaamileen Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Ahlusunna ayaa la sheegay in ay siideysay Odayaasha ay ku xireen Saldhiga dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaa ku daraya in siideynta Odayaasha la xiray ay ka dambeysay ka dib wada-hadal dhexmaray Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Waxgaradka Magaalada Dhuusamareeb.

Sababta lagu Xiray Odayaasha ayaa lagu sheegay in Ahlusuna ay sheegtay in Odayaashu ay Lacag Diyo ah ka soo qaateen Al-shabaab,balse Odayaasha  ay ku doodayaan in Lacagta diyada ah ay ka soo qaateen Qabiil ka mid ah Qabiilada wax ka daga Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa Wararku ay intaa ku darayaan in Ahlusunna ay Dhibsadeen in Labada Qabiil ee Diyada kala qaatay ay Al-shabaab Goobjoog u ahaayeen oo ay kala Xugmiyeen.