DAAWO VIDEO:- Calanka Dowladda Itoobiya oo la dejiyey & mid Cusub oo la taagay Madaxtoyada..

0

Waxaa dhulka la dhigay Calanka dalka Ethiopia, xarumaha Dowladda ee Gobolada Amxaarada, Oromada iyo Meelo kamid ah Gobolka Canfarta, waxayna arintan salka ku haysaa Dagaalka aan lahayn rajada in uu dhamaado, ee Ka Socda Caasimada iyo deegaanada kale ee dalkaas.

Kacdoon wadayaasha Hubaysan ee Qomiyada Axmaarada oo u muuqda inay gabi ahaan lawareegeen magaalada Gonder ayaa calankii maamulka Woyanaha, waxay kadajiyeen Gurigii madaxtoyada maamulka Gobolka waxayna saareen kii hore ee maamuladii Axmaarada.

Warbaahinta Caalamka ayaa ku sii qul qulaysa Ethiopia si ay u tabiso xaalada dhabta ah ee dalkaas ka jirta,sidoo Kale Waxa soo baxaya Ilo Wareedyo Sheegaya in reer Galbeedku ay Xukuumada hada Ethiopia ka jirta ugu baaqayaan in Isabadal dhanka Xilalka ah ay samayso si loo xakameeyo xaalada dalkaas.\

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-