DAAWO:- Dowladda Iran oo Arrin laga naxo sameeysay iyo Muslimiin badan oo ka caroodeen

0

Dowlada Iran ayaa xukun dal dalaad ah waxa ay ku fulisay 20-qof oo Muslimiin Sunni ah ay ku eedeesay in ay argagaxiso yihiin ayna ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay qeybo kamid ah dalkaasi.

Ragan ay Xukunka Dal dalaada ah ku fulisay Dowlada Iran , ayaa lagu eedeeyay in ay geesteen falal isugu jira dilal iyo qaraxyo, waxaana Dowlada sheegtay in dadka qaarkood ay qirteen dambiyadii loo heestay.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Iran Mohamed Jayad Montazari , ayaa sheegay in raggaasi lagu helay inay geysteen qaraxyo xiriir ahaa iyo weerarro lagu qaaday deegaanno dadka Kurdiyiinta ee galbeedka dalka Iran, kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyeyaal Sunniyiin ah iyo sidoo kale dumar iyo carruur.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa sheegtay in xukunadan ay yihiin kuwa cadaalad daro ah qaarkoodna xukunkooda lagu riday Maxkamado aan madax banaaneen , waxa ayna Hay’ada ku eedeesay in Maxkamadaha in kiiskan aysan si cadaalad ah u qaadin.

Mid kamid ah raga Xukunka dilka ah lagu fuliyay oo magaciisa lagu sheegay Shahram Ahmadi, ayaa Hay’ada Xuquuqda Aadanaha u dooda sheegtay in xukunka dilka ah lagu riday kadib daqiiqado yar oo dacwadiisa ay socotay.

Qoysaska ragga dilka lagu fuliyay waxaa looga yeeray xabsiga halkaas oo Talaadadii lagu hayay booqashadii ugu dambaysay ee dadkooda ay arkaan, hasa ahaatee dadkan ayaa helay wicitaan telefoonno intii ay u sii socdeen oo loo sheegay inay qabuuraha aadaan beddelkii ay aaskooda ka tegi lahaayeen.

Iran waxay sheegtay in raggaasi ay qayb ka ahaayeen koox argagixiso ah oo Sunniyiin ah loona yaqaan Tawxiid iyo Jihaad, oo ay ku eedeynayso inay weerarro badan ku qaadday galbeedka dalka Iran, oo ay ku jirto dilkii khaarijiska ahaa ee laba hoggaamiye oo Sunniyiin ah.

Dowlada Iran ayaa kamid ah Dowladaha ugu badan ee fuliya xukunada dilalka, waxaama Dowlada Iran la sheegay in sanadkan lagu jiro gudihiisa ay xukun dal dalaad ah ku fulisay dad gaaray 250-qof, halka sanadkii hore xukun dil ah ku fulisay dad gaaraya kun qof.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5