DAAWO:- Booliiska Magaalada London oo gacanta ku dhigay Wiil Soomaaliyeed oo la sheegay inuu..

0

Boliiska magaalada London ayaa gacanta ku dhigay Zakariye BUlxan oo ka soo jeeda Soomaaliya,haystana dhalashada dalka Norwey.

Wiilkan oo 19 Sana jir ah ayaa la sheegay inuu qabo xanuunnada dhimirka,waxaana dadka uu dhaawacyada u geystay ay u kala dhasheen wadamada Ingiriiska, Maraykanka, Israel iyo Australia.

Darlene Horton, oo 64 jir ahayd,una dhalatay dalka maraykanka, ayaa dalxiis u joogtay dalka Ingiriiska,waxaanay xilliga la weerarayay ku sugnayd beer lagu nasto oo ku dhow faraagaha Russell Square ee magaalada London.

Zakarie, ayaa sanaddii 2002-dii yimid dalka Ingiriiska,mana jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in falkaasi uu ku lug leeyahay hawlo argagixiso sida ay sheegen boliiska dalka Ingiriiska.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Z 1 Z 2 Z 3 Z 4