DAAWO:-Askartii ugu badneyd oo Tababar loogu soo xiray Caabudwaaq iyo Al-Shabaab oo ka naxay

0

Waxaa Shalay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud tababar loogu soo xiray 114 askari, oo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ee Maamulka Galmudug.

Askartan oo dhameysatay tababar muddo saddex bilood socday, ayaa waxaa loogu talla-galay inay ka qayb qaataan xaqiijinta amniga Caabudwaaq iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Saraakiil ciidan oo gaaray Magaalada Caabudwaaq, ayaa tababarkaasi u soo xiray askarta lagu biiriyay Nabad Suggida Galmudug.

Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Galmudug, ayaa Wasiirka iyo xubnihii la socdayba ku soo dhaweeyay xeradii tababarka loogu soo xiray askartaasi.

Wasiirka oo ka hadlaayay munaasabaddii tababarka loogu soo afmeeraayay askarta, ayaa sheegay inay noqonayaan kuwoodii ugu horeeyay ee loo tababaro Magaalada Caabudwaaq.

Wasiir Diini, ayaa Ciidanka NISA kula dardaarmay inay ka soo dhallaalaan wixii loo tababaray, isla-markaana ay har iyo habeenba ka shaqeeyaan xasiloonida dadka deegaanka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6 7 8 9