XOG+XIISAD:- Sarkaal Itoobiyaan ah oo Digniin iyo Hanjabaad iskugu daray Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo

0

Madaxa Siyaasadda Ciidanka Ethiopia ee Koofurta Soomaaliya Col Doqolaay oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa digniin u jeediyay Siyaasiyiin la sheegay in ay carqalad ku yihiin Maamulka Gobolka Gedo.

Siyaasiyiinta loo digay ee ka soo horjeeda maamulka Gobolka Gedo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Luuq Bashaar Aadan Cabdikariin ( Bishaar Afjabeey) iyo siyaasiyiin la hal maala oo ku wada sugan Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa isbedel dhawaan ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed halka loo Magacaabay Maxamed Muxumed Aadan ( Maxamed Dheere).

Saraakiisha Ethiopian-ka ayaa u soo jeediyay shacabka iyo dhammaan siyaasiyiinta Gedo in ay la shaqeeyaan maamulka Gobolkaasi Gedo ee Cusub.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al Qaadi oo Shabelle ay wax ka weydiisay khilaafka ka taagan maamulkaasi ayaa sheegay in cid kasta oo la Magacaabo xilka laga qaadi doono ayna socdaan waan waan xiisadda lagu qaboojinayo.

Sanadkii hore ayeyay ahayd markii xil ka qaadis muran dhalisay lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.