XOG CUSUB:- Maxaa dhexmaray Beesha Caalamka & Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ?

0

Hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga ee Soomaaliyeed kuna shirsan magaalada Muqdisho ayaa shalay galab ilaa xalay shirar gaar-gaar ah la qaadanayey Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlayay arrimaha Siyaasada ee dalka, gaar ahaana doorashada dhawaan laga filayo dalka.

Beesha Caalamka ayaa u gudbisey Hogaamiyaasha Soomaalida in aysan marnaba aqbali doonin arrimaha la xariira In dib loo dhigo doorashadan, waxayna sheegeen in waqtiga haray laga faa’iideysan karo ayna lama huraan tahay in dadaalka oo dhan layskugu geeyo sidii looga miro dhalin lahaa doorashadan.

Ergayga gaarka ah ee QM oo ka hadlay shirkan wuxuu si toos ah u sheegay in aysan Beesha Caalamku marnaba aqbali doonin qorshaha mudo kororsiga ah, isagoo sheegay in la gaaray waqtigii laga dhabeyn lahaa balan-qaadyadii horey loo galay.

Hogaamiyaasha Soomaalida qaarkood oo hadlay waxay sheegeen in Beesha Caalamku ay la daah-day dhaqaalihii lagu qaban lahaa Doorashooyinka, ayna muhiim tahay in ay dadajiyaan helida lacagahan oo wax badan ka saacidi doona guddiga Doorashada.

Sidaas oo kale waxay hadda muujiyeen Madaxda Soomaaalidu in mudo dheeri ah aan la fursan doonin, gaar ahaana arrimaha ku saleysan doorashada lagu soo qabanayo caasumadaha dawlad gobaleedyada dalka.

Shirarkan ayaa sii soconaya tan iyo maanta waxaana la filayaa in galinka dambe ama berri subax uu soo xirmo shirkan, iyadoo ay ka soo bixi doonaan go’aamo ku saleysan xaaladda Siyaasadeed iyo doorashada lafilayo in ay dhawaan dhacdo.