TOP+XASAASI:- Xisbiyo Muqdisho ku shiray oo soo jeediyay in Jawaari dalka Madaxweyne ka noqdo iyo Qorshaha Xasan Sheekh oo…

0

Qaar kamid Xisbiyada Mucaaradka dalka oo maanta  Magaalada Muqdisho  ku shiray ayaa soo jeediyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu siihayo Xilka Madaxweyne Ee Dalka  marka Waqtigu uu ka dhamaado Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku Eg 10 September ee Sanadkaan.

Xisbiyada ayaa sheegay in ay doonayaan in  Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari inuu  si KMG ah u sii haayo Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya inta Madaxweyne Cusub la soo dooranayo.

Shirka Xisbiyada ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa wali soconaya,waxaana uu ku soo aadayaa Xilli Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga ay ku shirsan yihiin Muqdisho islamarkaana laga sugayo in ay ku dhawaaqaan Waqtiga ay dhacayso Doorashada Soomaaliya.