TOP DHAGEYSO:- Xiisad xoogan oo ka jirta Magaalada Gaalkacyo iyo Ganasato isku hub aruursanaya

0

Waxgaradka iyo bulshada ku nool magalada Gaalkacyo ayaa siweyn uga biyo diiday dhul ku yaalo halkaas kaas oo la sheegay in Ganacsato laga iibin rabay dhulkaas.

Dhulka la doonayay in laga iibiyo Ganacsatada ayaa waxaa la sheegay in loogu talo galay Masjid weyn oo bulshada Gaalkacyo ay ku cibaadeysan doonaan balse ay soo baxeen in la doonayo in Ganacsato laga iibiyo.

Mid kamid ah Culumada Magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Shiikh Axmed Muuse Geelle ayaa cabashadiisa ku sheegay in goob loogu talagay masaajid oo lagu war galiyay in goobtaasi lagu wareejiyay ganacsato doonayaan in ay halkaasi ka dhistaan bakhaaro sida uu hadalka u dhigay Waana arintan ay ka Taagan Tahay Waqooyiga Mgaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Weli Wararkaas iyo xiisada ka jirta magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qeybta Puntland kama hadlin maamulka gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO