SAWIR: Ninkii Fuliyey Weerarkii Xalay Ka Dhacay Magaalada London Oo Soomaali-Norwegian Noqday.

0

Wararka ka imaanaya magaalada London ee caasimada dalka Britain ayaa sheegaya in Nin Soomaali Norwegian ah oo lagu magacaabo Zakariya Bulxan loo xiray Weerar Midi loo adeegsaday oo xalay ka dhacay Fagaaraha Russell Square, ee bartamaha Magaalada London .

Ninkan 19-sano jir ah oo la sheegay in uu Soomaali Norwegian yahay ayaa xalay Weerar Middi uu u adeegsaday waxa uu ku dilay Haweeney 60-sano jir ah oo Mareykanka u dhalatay, waxa uu sidoo kale ku dhaawacy shan qof oo kale oo kaoo kalajeeda dalalka Australia, Mareykanka, Israel iyo Britain.

War kasoo baxay booliiska magaalada London ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay uu ka dambeeyay ninka Soomaaliga oo ka yimid dalka Norway, ninkan ayeyna sheegeen booliiska in caafimaad ahaan uu ka jiran yahay Maskaxda.

Madaxa booliska London, Mark Rowley, ayaa sheegay in qof Somali-Norwegian ah oo weerarka fuliyey la xiray, hase yeeshee aysan jirin caddeymo muujinaya in ninkaas uu xagjir ahaa ama weerarka uu dhiir-geliyey argagixisanimo.

Ninka Weerarka geestay ee Soomaaliga ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ay u geesteen ciidamada booliiska, waxaana ninkan la sheegay in daaweyn kadib loo wareejiyay saldhig ay leeyihiin ciidamada Booliiska.

Mark Rowley, ayaa sheegay in qaybta boliiska ee qaabilsan dilka ay hogaaminayso baaritaanka weerarka xalay ka dhacay magaalada, iyadoo taageero ay ka helayso qaybta ka hortaga waxa loogu yeero argagixisada.

Weerarka xalay ka dhacay magaalada LOndon ayaa noqday mid cabsi badan ka abuuray magaaladaasi loona heestay in uu yahay Weerar argagaxio, waxaana weerarkan mid lamid ah horey magaalada London uga geestay nin kale oo Soomaali ah oo ugu dambeyn xukun adag oo xabsi ah lagu riday.

Zakariah Bulxan / Bulhan Russell Square
Zakariah Bulxan / Bulhan Russell Square