Qarax Xoogan oo ka dhacay Waddanka Kenya+Wararkii Udambeeyey

0

War goor dhaw aan ka helnay Waddanka Kenya ayaa waxay sheegayaan in qarax xoogan laga maqlay Waddanka Kenya meel ka mid ah iyadoo warar hordhac ah laga helayo khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa ayaa ahaa mid miino dhulka la geliyey taasi oo lala eegtay kollonyo gaadiid ah oo ciidanku wateen islamarkaana marayey Degmada Finoow Ee ku dhaw Magaalada Mandhera.

Ilaa hadda khasaaraha ayaa adag in la helo waxaana ciidanka Kenya ay rasaaas afarta jiho ufureen qaraxa kadib taasi oo waxyeelo ka dhalatay aan lasoo sheegin.

Dalka Kenya ayaa weerarada qaraxyada iyo dilalka ay ka dhacaan taasi oo mas’uuliyada amni daradaasina ay sheegtaan Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.