Isku tashi guuleystay Asaaskii Puntland iyo guul Soomaali leedahay W/Q/ Cabdinuur Faarax Maxamuud

0

Amaan garaa sinmaayo abaal ayleedahayna diidi maayo wa Puntland waa goob xasilooni kajirtay sideed iyo toban sanno waana goob midnimada Soomaaliya rabta waa goob isku maamulsha hannaanka dawladnimo waxaana sheegi doona inta garashadaydu i garwaaqsiiso wanaaga iyo bogaadinta ay leedahay Puntland Soomaaliya.

Amaanka, ganacsiga, Dacwada diinta, raadinta nabada, tacliinta, waxay kamid yihiin tiirarka nabadu keento waxay kamid yihiin Dad tashaday tillaabo ay qaadi karan.. isku tashi guuleystay Asaaskii Puntland iyo guul Soomaali-leedahay.

Seban tagay mid weli so scodiyo saakay waxa joga, seddexda, baa xaal adduun lagu sifeeyaaye, soo noqod majiro shalay wixii saadufuu dhacaye, waxaa saadambeetiyo birrina waa su’aal maqane, Waxay Taladu ku suubban tahay subaxa aad jogto,AUN) XaajiAadan Afqalooc.

Sideed iyo toban sanno ayaa kasoo wareegtay asaaskii Maamul Gobolleedka Puntland Soomaaliyeed, 01 /08/ 1998, waxaa Gobolka Nugaal ee dhaca waqooyi Bari Soomaaliya lagu asaasay maamulkii ugu horreyey kuna saleysan nidaamka Federaaliga}: tasoo loogu wanqalay ama loogu magac daray maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya”xiligaas nidaamkaan Federal-ku kama jirin Soomaaliya asaaska Puntland waxaa ka horeyey Gobollada waqooyi Galbeed Soomaaliya oo 8, sanno markaas maamul u dhisnaa maamulkaas waa Somalind, hayeeshee maamulka waqooyi Galbeed waxaa loogu wanqalay Gooni isutag. Waxaana la asaasay 08/05/1991, Puntland iyo Somalind xiligaas waa kala hadaf waana gooni isu tag iyo Goob isugu keen ama midnimo raadi , Puntland waxay dastuurkeeda ku qortay in dadka Puntland dhistan nidaam dawliya, inta laga helaayo Qaran Soomaaliyed kuna saleysan nidaamka awood qeybsiga ama xukun baahinta.

Maxaa keenay baahida asaaskii Puntlan}

Taasi waxay kadhalatay kadib markii muddo (8) sannadood ah Soomaalidu kuguul daraysteen inay ku heshiiyaan dhismaha Dawlad Qaran ) kadib markay gacmahooda ku dumiyeen Dawladdii dhexe ee milatariga xukumi jiray dalkana inqilbka kuqabsatay 21, Aktoobar 1969, tasoo meesha ka baxday 1991.

Yaa asaasay Puntland ?

Markaas kadib waxaa isku yimid hoggaamiye dhaqameedkii Gobollada waqooyi bari Soomaaliya qeyb kamida Mudug iyo degmo kamida Gobolka Togdheer waa Buuhoodle, waxaana lagu heshiyey in ladhisto maamul leh Axdi iyo hay,yaddo kala duwan sida garsoor sharci dajin iyo Fulin laakiin (Marjaca) dhabta uu yahay Isimada ama duubaabka dhaqanka.

Waa lagu guuleystay himiladaas waxaana dhidibada lootagay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, saddex sanno kadib maamulkii waxaa soowajahay khilaaf dhanka siyaasadda dadal badan iyo daggaalo lagalay kadib waa laga gudbay khilaaf siyaadaddeedkii.

Isku tashi guuleystay}

Isku tashigii shacabiga Puntland ee Soomaaliyed wuxuu saldhig u noqday in Soomaalida kalena ay tusaale usoo qatan (PTLD) maanta nidaamka Soomaaliya kajira ee Dawliga in Puntland si gara u -aliftay) amba u keentay, (Federal )wa nidaam xukun baahin ah Dawladdo badan oo hormartayna ku dhaqaman , Soomaaliduna haddii sida saxda isku maamulan ay hormar iyo barare ku gaari karto..

Gebogabadii

Asaaskii Puntland waxaa ku badbaaday dad badan oo Soomaaliyeed waxaa ku badbaaday hanti iyo dhul Soomaaliyeed ilaa maantana Puntland loosoo qato tusaale wanagsan iyo in shacbigu tashan karo, guusha iyo xasiloonida Puntland waxay guul iyo gobonimo u tahay gayiga Soomaaliyeed waayo, Puntland waa- waax amba qeyb kamida Jamuuriyadda Federalka ee Soomaaliyeed waxaa kasocda isku xukunka Dawliga Amankii, tacliintii iyo inta badan adeegii Dawliga ahaa wixii dhiman ee dhanka caddaalada iyo kala saraynta sharciga baahinta Dawliga iwm waxay kala siman yihiin Qowmiyaddaha African-kaa iyo Soomaalida kaleba..

Hambalyo idil ahaan Soomaaliweyn gar ahaan Shacbka iyo hoggaamiyayaashooda Puntland,