DAAWO:Waa Sidee Xaaladda Kacdoonka Shacabka Itoobiya Iyo Dadka Reer Galbeedka Ah Oo Looga Digay.

0

Maalmihii la soo dhaafay waxa cirka isku shareeray xaalada mudaaharaadii dalka Ethiopia ka dhacayey,kuwaas oo quumiyadaha ugu awooda badan dalka Ethiopia ay wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan banaanxayada ay ka wadaan Magaalooyinka waawayn ee Caasimada Adis abab ay kamid tahay.

Sida aan Xogta ku helay Waxaa joogsaday Kumanaan dadwaynaha oo dalalka Yurub ka aadi jiray dalka Ethiopia kuwaas oo joojiyey dalxiiskii ay ku aadi jireen dalka Ethiopia,Waxan la dib loo celiyey diyaarado Socdaalkoodu uu ahaa Magaalada Adis abab ee Caasimada dalka Ethiopia .

Safaaradaha reer galbeedka,oo ay kamid tahay Safaarada Dalka Norway uu ku leeyahay dalka Ethiopia ay soo saaray digniin ay muwaadiniintooda ooga digayaan in dalka Ethiopia ay u safaraan,taas oo dhaawac ku ah dhaqaalah dalkaas,korna u qaadaya kalsoonida kuwa diidan Xukuumada Adis abab.

Hadaba Warbaahinta reer galbeedka ayaa markii ugu horaysay waxay gudaha u gashay xaalada dhabta ah ee dalkaas ka jirta,iyadoo laamaha Warbaahinta ugu afka dheer aduunku ay baahiyeen,mudaaharaadada oo mudo lix bilood kabadan ka socoday gudaha Caasimada Adis ababa.

Ra’iisulwasaraha dalka Ethiopia ayaa ka hadalay sida dalkiisu yahay,wuxuuna ka digay in Xaalada Wadamada dariska Ethiopia la ah ay galeen oo kale in dalkiis ay ku soo socoto.

 

Hoos Ka Daawo