XOG: Madaxweynaha Galmudug Oo Xanuunsan Iyo Talo Ay Siiyeen Dhaqaatiirti Qashay.

0

Wararka sida hoose ku soo gaaraya Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan kadib markii dhawaan qaliin dhanka wadnaha lagu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Cabdirakiin Xuseen Guuleed ayaa haatan waxaa soo shaac baxaaya xogo shegaayo in mustaqbalkiisa caafimaad laga deyrinaayo.

Ilo wareedyadeena nala wadaagay xogtan ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed looga digay laba arimood oo ay kamid yihiin in siyaasada Soomaaliya ee cakiran uu kusii jiro iyo waliba in uu ka shaqeeyo shaqo culus oo jirka laga qadaayo.

Dhaqaatiirta ayaa usheegay in madaxweynaha in kusii jiro doono isbitaalka mudo todobaadyo ah ilaa inta laga xaqiijinaayo caafimaadkiisa wallow lasheegaya in haatan xaalka madaxweynaha yahay mid aad u wanaagsan.

Isku soo wada duuboo ilaa hadda lama oga Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed sida uu kayeeli doono talada kasoo gaartay dhaqaatiirta caafimaadkiisa inkastoo xanuunkan uu haayay mudo fog balse haatan noqday xaaladii ugu darneyd.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media