Xildhibaan si kulul ugu hadlay waqti kordhinta ay dooneyso Dowladda iyo Sirta ka dambeysa oo uu shaaciyay

0

Iyadoo iminka loo wada diyaargaroobayo Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan gudihiisa, islamarkaana xubnaha Baarlamaanka Somaliya ee Dowladda cusub ka mid noqon doono laga soo dooran doono Gobolada ay ka soo jeedaan ayaa Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wuxuu sheegay inay adag tahay in Doorashada Gobolada ay ka dhacdo.

Wuxuu sheegay in ammaanka Gobolada dalka oo aanan hagaagsaneyn suuragal aysan ka dhigayn in Xildhibaan la soo doorto, maadaama ammaanka uu yahay mid halis ah oo ay dhici karaan qataro amni oo Muqdisho aanan ka dhicin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sugidda amnigu  ka duwan tahay xilliyada doorashada wakhtiyada kale, waxaanuu sheegay iney wanaagsan tahay in doorashooyinka dadban ee dhamaadka sanadkan ay marti galiso magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney qaadi karto dadka baaxadaa leh ee wax dooranaya.

“14 kun oo qof maanta oo la joogo sida ay ku nabad galayaan ayaa ila adag, gobollada dhibaato aan xamar ka dhici karin ayaa ka dhici karta, qofkii doorashada waayaa dagaal inuu ka dhigo ayaa laga yaabaa, dhibaatooyin badan ayaa arrintaa goboladu soo waddaa, wixiina lama koobin oo Xamar oo kale waa meel dadbadan joogo oo lagu kala dhuuman karo, laakiin gobol laguma kala dhuuman karo.” Ayuu yiri Xildhibaanka oo Wareysi siiyay Goobjoog.

Xildhibaan Xaaf oo inta badan aanan ka hadlin amuuraha Siyaasada dalka ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada lagu celiyo Gobolada dalka Somaliya inay la macno tahay arin qabiil oo qayaxan.

“Waa arrin qabyaaladeysan oo dadka kulli qabiilkii lagu celinaayo, qabiilkana ma shaqeyn karo, dastuurka waxaa ku taalla qof kasta oo Somali ah meel kasta ayuu dagi karaa, wax ka dooran karaa lagana dooran karaa, dadkii ayaa qabiil looga kala soocayaa, kolley arrin ila habboon maaha, markii qof iyo cod ay noqoto kii Marka ka doonanaya iyo kii meel kale ka doonanayaa iyaday u taallaa.”