TOP DHAGEYSO: Madaxweynihii Hore Puntland Faroole “Waa Been Abuur AMISOM Kama Aan Dalban Ciidamo Ilaalo Ah”.

0

Madaxweynihii hore ee Punland Cabdiraxmaan Faroole ayaa been abuur ku tilmaamay inuu ciidamo weydiistay Amisom waxaana Faroole uu been abuurasho weyn ku tilmaamay inuu ciidamo ammaankiisa suga weydiistay taliska ciidanka Amisom iyo xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya, kadib markii dhawaan qaar kamid ah warbaahinadu ay faafiyeen warkaasi.

Faroole oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay heshiiska doorashada Soomaaliya inay ku jirto musharax kasta inuu xaq u leeyahay in ammaankiisa la sugo islamarkaana doorashadu ka dhacdo goob ammaan ah, wuxuuna si u aad u cambaareeyay saxaafada been abuurkaas ka qortay.

“Cida doorashada qaban qaabinaysa ayay khasab ku tahay inay ammaankeena sugaan haday ahaan lahayd beesha caalamka iyo dowladda federalka, anagu xaq dastuuri ah ayaan u leenahay in ammaankeenu sugnaado oo aan cidina marti uga noqon,”ayuu yiri Faroole.

 

Hoos Ka Dhageyso