TOOS U DHAGEYSO:- Feysal Cali Waraabe oo weerar dadban ku qaaday Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee xilalka ka haya DF

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in siyaasiinta ku fashilmay in ay xilal ka qabtaan Somaliland ay aadaan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in siyaasiinta xilalka ka waayo maamulka Somaliland ay dowladda Soomaaliya ka qabtaan xilal sidaas darteedna Somaliland aysan arintaasi ku faraxsaneyn.

Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkaasi ugu laab qaboojinayay taageerayaasha xisbigiisa UCID, xili uu sheegay in  ay dhowr jeer ay ku guul dareysteen in ay qabtaan hogaanka sare ee maamulka Somaliland, waxuuna sheegay in ay adkeysan doonaan oo aysan Xamar u carari doonin sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiin badan oo xilal kasoo qabtay maamulka Somaliland ayaa dowladda Soomaaliya ay u magacowday xilal muhiim ah .