Qaangaarka Puntland & Garr naqa Qalinka! W/Q Mahdi Muse

0

Taariikda dhigan ee ka bilaabata 1-Augst waa Sanad guurada 18 aad ee ka soo wareegtay aasaaska Maamul Goboleedka Puntland, Maamulkan oo kulmiya dhowr Gobol oo Xigto & Dhaqan wadaag ah, Laakiiin tiirka ugu culus ay ku midoobeen uu yahay helitaanka Kayaan Siyaaasi oo ay ku baraaraan, haddana u dhigan dhufeys gabbaad uga noqon kara kacdoonada siyaasi ee ka imanaya dhanka Koonfur(Muqisho) & sawaxanka go,itaan ee ka yeeraya dhanka waqooyi(Somali Land)

Hindisaha Maamul Goboleedka Puntland, kama foga caqliga & garaadka siyaasi ee xilligaa jiray, kaa oo ku calaamadeysnaa is diid & khilaaf daran oo u dhaxeeyay Hoggamiyaashii goortaa magaca lahaa (Cabdullahi Yusuf, Xusen ceydiid, Cali Mahdi, aadam Gabyoow, Qanyare & Maxmed Nur Caliyooow) waxaa sii dheer oo aan meesha ka marneyn loolanka siyaasi ee dibada, kaa oo u dhaxeeyay wadamada Carabta & kuwa IGAD ay Itoobiya hormuudka u tahay. natiijo la,aanta uu ku dhamaaday Shirkii Qaahira 1998, waxuu ka shifay heerka uu joogo hardanka & haruufka u dhaxeeya wadamada Soomaaliya daneeya, waxuuna muujiyay gacan saarka Dowladuhu ay la kala leeyihiin Hoggamiyaasha matala qabiilada Soomaaliya, arintan oo daliil u noqotay kolkuu marxuum Cabdullahi Yusuf ka carooday Shirkii Qaahira, una dhoofay dhanka Adiss, taa oo soo dadajisay in maamul Goboleed gooni ah looga dhawaaqo deegaanada Waqooyi Bari ee Soomaaliya 01-08-1998.

Maamulka Puntland waxuu ku soo aaaday Xaalad & gooor suubaan, Soomaaliya dagaal & colaad mooyee ma jirin maamul dhisan oo deegaan & dad toona matala, Deegaanada Waqooyi Bari waa dhul nabadda & wada noolaanshaha laga qiimeeyo, ma jirin wax colaad ah oo dadka deegaanka ka dhaxeeysay, taariikhda dagaalada sokeeye ee Soomaaliyana dadka Deegaanka looma qorin duulaan mideysan ay ku qaadeen dhul & dad ka baxsan deegaankooda, waxaa u sii dheeer in ay qabeen hamuun ah in ay helaan maamul haga, oo danahooda gaarka ah & midka Siyaasi hanta, Magalada Bosaso waxey aheyd Xarun Bulshada deegaanka Kulmisa, ahna goob ganacsi oo Soomaali weyn wadaagto, Dekada Bosaso waxay marin u aheyd ganacsiga dibadda ee Somaliya ku jeeda, Muqdisho, hargeysa ilaa Jig-jiga. intaa & ka badan oo saldhig u noqon kara maamul waanag ayuu fursad u helay Maamulka Puntlnad, Laakiiin……???

Maamul Goboleedka Puntlnad inta uu jiray waxaa ka muuqata in uu sugay jiritaanka magaciisa, bulshada deegankuna ay ku diirsadeen kayaanka Siyaasi ee deegaankooda ka hana qaaday, sidoo kale maamulku waxuu kaalin mug leh ka qaatay Loolanka Siyaasadeed ee Dalka ka jiray, sida hirgalinta aragtida Siyaasi ee uu maamulku qabo, taana waxaa daliil u ah siday uga hor yimaadeen Dowladdii Cabdi Qasim ee Carte lagu soo dhisay, waxaa kaloo ayana tilmaan mudan Doorkii uu maamulku ka qaatay dhismaha Dowladdii ku meel gaarka ee Kenya lagu dhisay, Dowladdaa oo uu Cabdullahi Yuusuf Madaxweyne ka noqday, laakiin ahmiyada la siiyay doorka siyaasadeed ee banaanka ku jeeda waxey minus(-) galisay Barnaamijyada horumarin ee deeegaanka ka hirgala, taa oo la oran karo waa sumad ceebeed ku suntan maamulka Puntland iinta uu jiray.

Tix raaca taariikhda Jiritaan ee maamulka Puntland, waxaa laga akhrisan karaa in qorshayaasha lagu hormarinayo bulshada & Deegaanka aysan ku dhigneyn Qaamuuska siyaaasi ee madaxdii soo martay hoggaanka Puntland & kuwa hadda jooga, wali lama hayo qorshayaal dano bulsho ah oo ilaa hadda taaba galay, sida Caafimaad, Tacliin, Biyo nadiif ah & daryeel guud toona, intaa waxaa ka daran in baahidan ay Bulshadu moogtahay, tirada yare ee garowsan kartana waxey mustaxiil u arkaan in xilligan maamul dhisan arimahan wax laga weydiiyo, xaaladda faqri ee Soomaaliya ayaa la dhihi karaa waa cudurdaarka kaliya ee loo heli karo maamulkii gaba wax qabadka bulshadiisa, Laakiin Puntland cudurdaar uma lahan. waxaa jira Malaayiin Dolar oo ku baxa Barnaamijyo Siyaasi oo waliba natiijo la,aan ku dhamaada, waxaa sii dheer Toboneeyo Hey,ad oo Fadhiya Garoowe, qaarkoodna Dowli ah, arimahaana ka shaqeeya, haddana magacooda lacag ku soo qaata, dhaqalahan oo la maareeyo & hey,adahaa oo la la xisaabtamo waa muhiimad uu qaban karo maamul wanaag ay caqiidadiisu tahay wax qabadka Bulshada & ka shaqeynta danta guud ee sababteed maamulka loo dhisay, nasiib daro maamulka Puntlnad wuu gabay arintan.

Dhaqaaluhu waa tiirka jiritaanka maamul, taa macanaheedu ma ahan in maamulku uu Billions Lacag ah heysto, ee waa in uu leeyahay nidaam adag oo sugaya dakhliga Dowladda, si isku mid ahna ula soconaya qiimaha soo gala & halka ay ku baxaan, Puntland waxaa ka jira Canshuur ururin aan la sahlan karin dhaqalaha ka yimaada, Dekada Bosaso waxaa ka soo xarooda Dhaqaale culus, sida badan dhaqaalahan badankii waxuu ku dhacaa jeeebka dad & tiro gaar ah oo is taqaan. wasiirka asaga ayaa leh wasaaradiisa ama Tolkiisa ayaa la wadaaga, shilinki soo xarooda ha ku yimaado magac Dowladeed boono ku suntan, laakin kolki uu khasanada dowladda soo galo waxuu noqdaa Shilin uu leeyahay shakhsiga xafiiskaa maamula, waxuuna u jaraa boono guduudan oo dhamaad ku xukumeysa.!!!

Puntland waxay ka mid tahay wadamada loo soo shaqo tago, waliba waxaa looga yimaadaa Yurub & Mareykan, qurbo joog ayaa u soo hunguri doonta, taa macnaheedu ma ahan in Gobolada Puntland hoos taga, ay leeyihiiin wax soo saaar warshado waaweyn ku tiirsan, ama ay ka jiraan shirkado ganacsi oo aduun Malaayin Dolar ah ka mushtara, fursada kaliya ee ka banaaan Puntland waa in uu san jirin xeer & qaaanun ilaaliya hantida guud ee xafiisyada dowladda soo gala, xafiisyadaa oo isu badalay gooob lacag laga sameeyo, waliba si sahlan oo aan daal & wakhti badan laheyn. waxaan ceeb aheyn in aad maqasho hebel (Madaxweyne, Wasiir, Agaasim…)oo lagu tuhmayo musuq-maasuq, waliba uu raadkiisu muuqdo, ha noqdo hanti ma guurto ah ama dhaq-dhaqaaq ganacsi oo uusan horey u heyn, iskadaa tirada badan ee Kumanaanka Dolar biil ahaan ugu dirta dibada & dhulkiii farqiga (Sweden, Finland, Denmark & Norway) ee looga soo tagay caruurta.!!!!

Arimaha Fasaadka, Cadalaad darida, amni xumida & tix galin la,aanta Qaanuunka intuba waa cuduro dilaa ah oo handadaad ku haya mustaqbalka jiritaanka Maamulka Puntland, waana lama huraan in maamulku uu garowsado, ugu yaraana codkiisa uu ku baahiyo sidii arimahan xal loogu heli lahaa. wacyi galinta bulshada waa muhim, si ay u gartaan xaqa ay ku leeyihiin maamulka u dhisan, una helaan xaquuqdooda si siman oo aan nin tooxsi laheyn, si looga fogaado cod beeleed xaq maqan sheeganaya, laakin wax duminaya. Qaranimadi Soomaaliya waxaa dhumiyay waa cod Qabiil oo dulmi ka cabanaya, laakiiin dulmi ka daran ku raadinaya. Caddaalad, Horumar, Sinaan & Nabadeyn waa midda kaliya ee damaanad qaadi karta jiritaanka Maamulka Puntland, waana baahida taaagan ee uu qof walba oo soomaali ah uu qabo, sidaa darteeed waxaan u rajeynayaa dhamaan deegaanada soomaaliya maamul wanaag lagu baraaro oo haddana lagu waaaro.

Puntland Horumar, Caddaalad, Baraare & Maamul wanaag lagu waaaro.