Nin Somali lala xiriirinayo Alitixaad Islaamiyah iyo Alqaacida oo codsaday in laga wareejiyo Xabsiga Guwatanamo.

0

Guuleed Xasan Axmed oo 42 jir ayaa shalay la hor geeyey Guddiga Dib-u-eegista Kiisaska loo haysto Maxaabiista ku xiran Xabsiga Gutanamo Bay.

Shabakadda Wararka ee Courthouse.com ayaa ka soo xigatay ilo ka tirsan Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagon ayaa qoray in Guuleed Xasan Axmed uu ka codsaday Guddiga Cafiska ee Maxkamadda in laga wareejiyo Xabsiga Guatanamo Bay oo uu ku xirnaa tan iyo sannadkii 2006-dii.

Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda hor tegay isagoo aan qabsanin Qareen u dooda, waxayna Dhegeysiga dacwadiisa socotay muddo 20-daqiiqo ah.

Labo wakiil oo Milliteri ah oo Eedeysanaha yaqiinay muddo hal bil ah ayaa iyagoo u hadlayo Eedeysanaha sheegay inuu jecel yahay inuu akhristo Kitaabka Qur’aanka Kariinka, iyo inuu daawado Aflaanta National Geographic movies, Dukumentariga Blue Planet, Buugaagta Harry Potters iyo Wargeysyadda Economist iyo Newsweek.

Wakiiladdu waxay kaloo sheegeen inuusan Eedeysanaha wax  fasax ah loo siinin Barnaamijyada Xabsiyadda iyo Fasalada, iyadoo loo arko inuu yahay Maxbuus qiimo sare leh.

Guuleed Xasan Axmed weligiisa wax dacwad ah laguma soo oogin tan iyo markii lagu xiray Xabsiga Guwatanamo Bay bishii September ee sannadkii 2006-dii, inkastoo Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Britain oo lagu magacaabo Rendition Project sheegeen inuu Eedeysanaha gacanta Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ku jiray tan iyo bishii March ee sannadkii 2004-tii.
Wakiilladda Eedeysanaha waxay sheegeen inuu aad uga cawday qeybta Xabsiga Guwatanamo Bay ee loo yaqaano Xerada 7aad (Camp Seven), isagoo sheegay inuu kala kulmo jirdil dhinaca maskaxda ah, maadaama lagu furo Samaacado waa weyn oo guux badan leh.

Guuleed Axmed Xasan ayaa laga soo xigtay inuu  jecel yahay inuu la midoobo Xaaskiisa iyo Afartiisa Carruur iyo Qoys deggan Kanada iyo Maraykanka, balse Hay’adaha Ammaanka Maraykanka ayaa sheegay inay dhici karto inuu dib ugu laabto Kooxaha Xagjirka ee ka soo horjeeda Danaha Maraykanka.

Dhinaca kale, Hay’adaha Sirdoonka iyo Ammaanka Maraykanka waxay sheegaan inay Ururka Alqaacida ku soo tababreen Eedeysanaha dalka Afganistan sannadkii 1995-tii, isla markaana uu dhowr sanno kadib ku biiray Urur-diimeedka Hubeysan ee Alitixaad Al-slaamiya oo loo soo gaabiyo AIAI.

Sida laga soo xigtay Mashruuca Khariideynta Maleeshiyooyinka (The Mapping Militants Project ee Jaamacadda Stanford University, Kooxda Alitixaad Alislaamiyah waxaa asaasay Hoggaamiyayaal Islaami oo Somali ah oo ka soo horjeeda Reer Galbeedka, isla markaana doonaya inay Somalia ka dhisaan Dowlad Islaami ah.

Maraykanka waxay Eedeysanaha ku eedeeyeen inuu qeyb ka ah Weeraro ka dhan ah Ciiddanka Ethiopia iyo inuu tababaray Maleeshiyooyin ka tirsan kooxo kale.
Dacwad-oogayaasha Maraykanka waxay kaloo sheegeen inuu Guuleed Xasan Axmed  ka mid noqday Xarakadda Alshabaab oo ah Faraca Alqaacida ee Somalia,waa sida hadalka loo dhigay.

Waxay kaloo sheegeen inuu taageero Loojistiko iyo mid Hawlgal siiyey Alqaacidada Somalia, gaar ahaan mid lagu doonayey in lagu waxyeeleeyo Saldhiga Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti ee lagu magacaabo Camp Lemonier.

Dhinaca kale,  Guuleed Axmed Xasan ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu la midoobo Xaaskiisa iyo Afartiisa Carruur iyo Qoys deggan Kanada iyo Maraykanka, balse Hay’adaha Ammaanka Maraykanka ayaa sheegay inay dhici karto inuu dib ugu laabto Kooxaha Xagjirka ee ka soo horjeeda Danaha Maraykanka.