Garoonka Diyaaraha Dubai oo si KMG ah loo xiray

0

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararaka iskaashiga Islaamka Iina, waxaa maanta si KMG ah loo xiraray  Garoonka Diyaarada ee Magaalada Dubai, iyadoo diyaaradihii ka soo degi lahaa loo weeciyay  Garoonka Al- Maktuum isla magaaladaasi.

Maamulayaasha Dubai, ayaa sheegay in Talaabadaasi ay ka dambeysay kadib markii looga baqay Garoonka Dubai,shil Diyaaradeed , kadib markii Diyaarad Garoonkaasi ka soo degi laheyd  ay dhib l a kulantay, ugu dambeystiina si dirqi ah ka soo degtay, taasoo sababtay in la xiro Garoonka.

Barta ay bulshadu ka wada xiriirto, ayaa waxaa ka muuqday sawirka Diyaarad shil ku gashay Garoonka Dubai, balse shirkadda iska leh Diyaradda ayaan weli wax tafaasiil ah ka bixinin dhacdadaasi , hadii uu wax gaaray Rakaabkii la socoday diyaaradda iyo in kale.