Daawo: Shirka Madasha Qaran oo maanta Muqdisho ka furmay

0

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan oo lagu dhameystirayo qodobadii ka dhimanaa doorashooyinka Soomaaliya loo qabanayo sanadkaan 2016-ka, waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax ka socota beesha caalamka.

Shirka oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhameystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya mudane Mahad Maxamed Salaad oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobada muhiimka ah ee shirka looga hadlayo ay qeyb ka yihiin warbixin laga sugayo guddiga qilaafaadka oo ku saabsan qilaafaadka ka dhalan kara doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in looga hadlayo labada maalin ee uu soconayo shirka doorka haweenka ay ku yeelanayaan baarlamaanka la filayo, iyo waliba aqalka sare.

Waxaa mudane Mahad Maxamed Salaad wasiiru dowlaha madaxtooyada uu sheegay in gaba gabada shirka lagu soo gudbin doono xiliga rasmiga ah ee doorashada la qaban doono  iyo xiliga ay dhamaan doonto, iyo sidoo kale qodobada wali dhiman eek u aadan doorashooyinka 2016-ka.

n2 n1 n3 n4 n5