WAR DEG DEG:- Magaalada Muqdisho oo hada lagu maxkamadeynayo Ciidamo ka tirsan AMISOM

0

Waxaa magaalada Muqdisho haatan ka socota maxkamadeynta ciidamo katirsan AMISOM, oo horey ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay soo qabteen iyaga oo iibinaya raashin iyo shidaal loogu talo galay AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee la maxkamadeynayo ayaa gaaraya ilaa iyo shan askari, waxaana mid mid loo weydiinayaa Su’aalaha, iyadoo wali ay socoto maxkamadeyntooda.

Ciidanka la qabtay iyagoo iibinaya shidaal iyo raashin AMISOM ay leedahay waxaa maxkamadeynaya maxkamada ciidamada Uganda.

Wixii kusoo kordha maxkamadeyntaasi lasoco goor dhow.