TOP DHAGEYSO+XASAASI:- Maamulka Jubbaland oo si Kulul kaga hadlay Musuq maasuq lagu eedeeyay

0

Maamulka Jubbaland ayaa iska fogeeyay eedeeyn ka ka timid maamulka gobolka Gedo , taasoo aheyd in raashin deeq ah oo loogu tala galay shacabka kunool gobolka Gedo lagu musuq maasuqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah ,raashinkii loogu tala galay shacabka gobolka Gedo qeybo ka mid ahna qeybintiisa ay ka bilaabatay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan degmooyinka kale ee gobolka Gedo laga qeybin doono deeqdaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa dhawaan maamulka Jubbaland ku eedeeyay in ay musuq maasuqeen raashin deeq ah oo loogu talagalay shacabka gobolka Gedo.

HALKAAN KA DHAGEYSO