TOP DHAGEYSO:- Shir muhiima oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

0

Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qorshe dib loogu dhisayo Dalka iyo wadooyinka bur bursan.

Kulankan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka, Khubaro iyo Engineero.

Waxaana sidoo kale Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay heshiisyo ay la gashay Afrikan Bank oo maalgelinaya dhismaha wadooyinka iyo waliba Dekada ugu weyn ee laga hirgelinayo Soomaaliya.

Enjineer Saalax Sheekh Cusmaan Muuse oo ah Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib udhiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharaxay hanaanka ay u wajihi doonaa dhismahan.

HALKAAN KA DHAGEYSO