TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa oo Xilka ka qaaday Gudoomiyaha Gedo oo soo bandhigay Cadeymo iyaga ku saabsan

0

Maamulka Jubbaland ayaa xilkii Guddoomiyanimo ee Gobolka Gedo ka qaaday Axmed Buulle Max’ed (Canjeex),oo uu isla maamulka Jubbaland bilo ka hor u magacaabay xilkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland, Max’uud Sayid Aadan,oo ku sugan Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Canjeex,laga qaaday xilka mid kalena loomagacaabay inkasta oo uusan sheegin waxa uu yahay xilka loo magacaabay.

Madaxweyne ku xigeenk,waxaa uu sheegay in muddo 45 Cisho ah ay heystaan oo ay isbeddel iyo dib u habeyn ugu sameynayaan maamullada Gobolka Gedo iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ee Gedo.

Waxaa uu dhanka kale ka hadlay,Raashin lagu eedeeyay Jubbaland in ay ku iibsadeen Kismaayo,kaas oo ahaa Raashin ka yimid Turkiga,loouna talagalay Gobolka Gedo.

Max’uud,waxaa uu sheegay in isaga hadda jooga Doolow uu Raashinkaas qeyb ka mid ah wado,kana qeybinayo halkaasi,waxaana uu tilmaamay in Gobolka Gedo intiisa kale la gaarsiinayo.

Canjeex,ayaa sheegay in aan lagu wargelin xil ka qaadista uu ku smaeeyay Maamulka Jubbaland oo horayba ugu magacaabay,waxaana uu maamulka ku eedeeyay in saamigii Gobolka Gedo uu ku lahaa Jubbaland ee raashinka Turkiga siiyay Soomaaliya lagu iibsaday Kismaayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO