TOP DHAGEYSO:- Ergeyga Gaarka ah Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo ka hadlay Arimo badan oo ku saabsan Doorashada Soomaaliya

0

Ergeyga Gaarka ah Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay ku raja weyn tahay in doorashado ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Michael Keating ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada doorashooyinka Soomaaliya, isagoona sheegay in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan doorashada Soomaaliya in ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

“Kaalinta Qaramada Midoobay waa inay taageerto Geedi socodka Doorashada oo ay leedahay Umadda Soomaaliyeed ayna maareynayso Umadda Soomaaliyeed Shaqadeena waxa ay tahay inaan bixino taageero Farsamo iyo iyo Talooyin ,Balse midda ugu muhiimsan waa inaan ka jawaab bixino waxa ay umadda Soomaaliyed naftooda ka rajo qabaan inay ka helaan Geedi socodka” ayuu yiri Michael Keating

“Dhanka Waqtiga taasi waxaa laga doonayaa Guddiga Fulinta Doorashooyinka inay isla meel dhigaan Ayaga oo raacaya taallaabooyinka loo baahan yahay in la raaco si loo xaqiijiyo geedi socodka lagu kalsoonaan karo” ayuu intaas ku daray hadalkiisa Michael Keating

Sida ku xusan Dastuurka Soomaliya Doorashada waxa ay tahay inay dhacdo Dabayaaqada Bisha August.

HALKAAN KA DHAGEYSO