Shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran oo maanta dib uga furmaya Muqdisho

0

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmo shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran.

Shirkaas oo la filayo in gelinka dambe ee maanta uu furmo ayaa waxaa Hoggaamiyayaasha Qaran ee dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ay iskula soo qaadi doonaan arrimo badan.

Waxaana ka mid ah waxyaabaha la rajeynayo in ay ka wada hadlaan Madashu Waqtiga rasmiga ah ay qabsoomeyso doorashada, sidoo kale waxa ay ka wada hadlayaan hanaanka soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka oo wax laga bedelayo habkii horay loogu heshiiyay ee Xildhibaanka min 50 qof ay soo xuleysay , islamarkaana dib loogu laabanayo qaabkii Oday dhaqameedku uu soo xulayay Xildhibaanada Beeshiisa.

Shalay ayey ahayd markii Magaalada Muqdisho ay shir Jara’id ku qabteen Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Soomaaliya kuwaas oo qorsho howleedkooda soo bandhigay.