Nabadoon Caan ah oo Xalay lagu dhaawacay Magaalada Balad Xaawa oo ugu dambeyn geeriyooday

0

Nabadoon Idiris Cabdi Aadan oo xalay lagu dhaawacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu ugu dambeyn uu dhaawacaasi ugu geeriyooday Degmada Doolow markii loogu qaaday in wax looga qabto xaaladiisii caafimaad.

Nabadoon Idiris Cabdi Aadan iyo nin kale oo la socday oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi, ayaa waxaa labaduba lagu dhaawacay xaafadda Buurto, ka dib markii ay niman hubeysan wadada u gashay.

Labaduba waxaa loo qaaday isbitaal ku yaala Degmadaasi Doolow, inkastoo uu Nabadoon Idiris Cabdi Aadan ugu geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkaasi.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen Nabadoon Idiris Cabdi Aadan, ayaa waxaa uu xaqiijiyay geerida saaxiibkii.

Maxamed Xuseen Isxaaq (Al Qaadi) oo ka tirsan Saraakiisha Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa sidoo kale xaqiijiyay geerida Nabadoon Idiris Cabdi Aadan.

Illaa iyo hadda waxaan la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin raggii ka dambeeyay tallaabada lagu dilay Nabadoonka, laguna dhaawacay ninkii kale ee la socday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka caawa ka dhacay Degmada Beled Xaawo.