DHAGEYSO WARBIXIN:- Qaxooti Soomaaliyeed oo dib uga soo laabtay Kenya.

0

Qoysas qaxooti Soomaaliyeed ah oo lagu qasbay inay dalkadooda uga cararaan, colaad, dil ama musiibooyin dabiici ah ayaa dib uga soo laabanaya xerada ugu weyn dunidda ee qaxootiga Dhabaab  oo ku taala dalka Kenya .

Imaanshahoodu waxa uu ku soo beegmay xili dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay arrimaha doorashootinka la filayo inay ka dhacaan dalka dhawaan, waxana taasi ay meesha ka saartay in hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya ay dareen u yeeshaan dadka qaxootiga ah ee dib u Soo laabanaya.

Xitaa warbahaainta maxaliga ahi ma aysan siinin dareen, tabineed dadka soo laabanaya.

Qaar ka mid ah hay’addaja samafalka oo ay ka mid tahay hay’addaha qaxootiga qaramada midoobey UNHCR ayaa sheegay inay gacan ka gaysanayaan fududeynta qaxootiga doonaya inay si iskood dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah waxay aaminsanyihiin in qorshaha dowladda Kenyan ee  xiritaanka xeryaha qaxootiga aysan ka marneyn siyaasad ama arrimo dhaqaale, hase yeeshee Kenya waxay sheegtay in go’aankeedu uu la xariiro arrimo ammaan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay bishii May inay albaabada isugu dhufanayso xerada dhadaab oo ay ku nool yihiin nus-malyan dad ah oo u badan Soomaali, waxana dhawaqaasi uu walaac ku abuuray beesha caalaamka. Qaar ka mid ah qoyska dib ugu soo laabtay Muqdisho waxay ii sheegeen in dadka ku nool Dhabaab ay kala kulmaan ciidan ka ammaanka Kenyan falal ay ka mid yihiin jirdil, caga-jugleyn, xarig iyo masaafuris xoog ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO