XOG:- Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federalka iyo Taliiyaha cusub oo AMISOM oo dardar-gelinayo La-dagaalanka Alshabaab

0

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federalka, Abndirisak Omar Mohamed iyo Taliyaha cusub ee Taliska Ciidanka AMISOM, Jeneral Osman Nuur Subagle ayaa yeeshay Kulan loogu hadlayey sidii loo xaqiijin lahaa in laga guuleysto Alshabaab iyo in  loo celiyo Nabadda Somalia.

Mas’uuliyiinta ayaa iskaashigaasi kaga dhawaaqay Casho Sharaf lagu soo dhaweynayey Taliyaha cusub ee AMISOM, Jeneral Osman Nuur Subagle, waxaana Xafladaasi ka qeyb galay Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia,  Ambassador Francisco Madeira, Taliyayaasha Ciiddanka Milliteriga, Boliska, Nabadsugidda iyo marti kale.

Wasiirka Amniga Gudaha, Abdirisak Omar Mohamed ayaa sheegay in Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka AMISOM gacan ka geysan doonaan  Xaqiijinta Ammaanka Somalia.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu Jeneral Osman Nuur Sugle yahay qof isbedel kara, isla maekaana ay  magacaabistiiisa labo muhiim u leedahay Somalia.

“Waa tan koowaadee, waxa uu fahmayaa Dhaqanka Somalia iyo iyadoo Ciiddanka Somalia u fududahay sidii ay Taliyaha cusub ula xiriiri doonto” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha oo dhinaca kale ugu baaqay Ciiddanka Qaranka inay si dhow ula shaqeeyaan Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Taliyaha cusub ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Osman Nuur Subagle ayaa u mahad celiyey Ciiddanka Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM, wuxuuna ugu baaqay inay iska kaashadaan La-dagaalanka Alshabaab iyo iyo sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia,  Ambassador Francisco Madeira ayaa isagana sheegay  inuu Jeneral Subagle  yahay Taliye khibrad leh oo xaqiijin doona Awoodda Ciiddanka Somalia iyo xoojinta Ammaanka Somalia.