XOG RASMI AH: M/weynihii hore ee Soomaaliya & Siyaasiin caan ah oo Fariin codsi ah u diray AMISOM

0

Xog rasmi ah oo ay heshay Allgalgaduud ayaa xaqiijinaya in Musharaxiin miisan siyaasadeed oo culus ku leh Siyaasada Soomaaliya ay codsi u direen Midowga Africa, gaar ahaana Howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ayna ka dalbadeen in ay siiyaan ciidamo katirsan AMISOM, si ay u ilaaliyaan Amaankooda.

Sirdoonka dawladda Uganda waxaa la sheegay in ay todobaadkii hore ogaadeen weerar qorsheysan oo lagu khaarijin lahaa shaqsiyaad caanka ah Siyaasada Soomaaliya, gaar ahaana weerarkii lagu qaaday Garoonka Muqdisho waxaa la ogaaday in ujeedadiisu ahayd in lagu bartilmaameedsado Siyaasi caan ah.

Warar ay heshay Allgalgaduud waxay sheegayaan in codsigan gaaray AMISOM Muqdisho, ay siyaasiinta diray ka mid yihiin kuwa hadda kusugan magaalooyinka Kampala & Garoowe, iyagoo sheegay in aysan isku aamini karin hanaanka amni sugid ee dawladda Faderaalku ay hada ka wado Muqdisho.

Sirdoonka wadamada Reer galbeedka ee kusugan magaaada Muqdisho waxay aad uga walaacsan yihiin hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sida ay wax uga socdaan dhanka Amniga gudaha.

Dawladda Soomaaliya ayaa lagu eedaynayaa in aysan ka saan la’eyn arrimaha qaraxyada maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanaya xarumaha dawladda Faderaalka ee Muqdisho.

In ay Siyaasiintan xiligan keenaan cabashada iyo walaaca dhanka amaanka ah ayaa kusoo beegmaya xili mudo yar ay ka harsan tahay mudada doorashada, sidaas oo kalena uu sii kordhiyo walaaca weyn ee laga qabo suuragalnimada doorasho nabad iyo daganaanshaha guud ee doorashadan.