Hay’ada UNICEF oo Muqdisho ku soo bandhigay Warbixin ay kaga hadleyso caruurta

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Taliska ciidanka AMISOM ee Xalane lagu qabtay warbixin Hay’ada UNICEF ay kaga hadleysay xaalada caruurta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Hay’ada UNICEF, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowladda Soomaaliya, Taliska AMISOM iyo sidoo kale xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka.

Hay’ada Qaramada Midoobey dhinaca caruurta uqaabilsan ee UNICEF ayaa xarunta Xalane waxa ay ku soo bandhigtay Tirakoob ay sameeyeen oo ku aadan caruurta la Askareeyo iyo Tacadiyada loo geysto.

Hay’ada Qaramada Midoobey dhinaca caruurta uqaabilsan ee UNICEF ayaa warbixinteeda waxa ay ku sheegtay caruurta la Askareeyo in ay Da’dooda udhaxeyso 5-ta sano ilaa iyo 7-da sano.

UNICEF ayaa Al-shabaab waxa ay ku eedeysay in ay Askareeyaan caruurta Da’dooda ay ka hooseyso 5-ta sano ilaa iyo 7-da sano, sidoo kalena dowladda Soomaaliya ayay ku eedeysay in ay mararka qaar ay Askareyso caruurta Da’da yar.

Sidoo kale Hay’ada Qaramada Midoobey dhinaca caruurta uqaabilsan ee UNICEF ayaa warbixinteeda waxa ay ku sheegtay in dalka Soomaaliya uu qeyb ka yahay wadamada inta badan Tacadiyada loogu geysto dadka laga tirada badan yahay oo ay ka mid yihiin Haweenka iyo Caruurta.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowladda Soomaaliya oo gaba gabadii kulanka ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in warbixinta ay soo saartay Hay’ada Qaramada Midoobey dhinaca caruurta uqaabilsan ee UNICEF qeyb ka mid ah ay tahay mid dhab ah oo hada ka jirta dalka, sidoo kalena waxa ay sheegtay in arimahan ay dowladda wax badan ka qaban doonto.