Faah faahin Tirada Dadkii ku Dhintay Qaraxii Xalay ka Dhacay degmada Waaberi oo Korortay

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Gaari Waxyaabaha Qarxa ay saaran yihiin oo xalay ku Qarxay Isgoyska Dabka ee degmada Waaberi.

Gaariga ayaa Qarxay kadib markii ciidamada dowladda ay joojiyeen Gaariga Waxyaabaha Qarxa ay saarnaayeen si baaritaano loogu sameeyo, kadibna sidaasi halkaasi uu ugu qarxay Gaariga.

Inta la ogyahay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay 4 Qof halka sidoo kalena 1 Qof uu ku dhintay sida dad goob joogayaal ah ay Idaacadda Risaala usheegeen.

Taliska Booliska Degmada Waaberi iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxa dhacay.

Qaraxan xalay ka dhacay Isgoyska Dabka ee degmada Waaberi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay weerar Qaraxyo loo adeegsay uu ka dhacay xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID.