Ciidanka Koonfur Galbeed oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Jameeco iyo Deegaano dhowr ah oo ka wada tirsan gobolka Baay kadib markii ciidamada wadajir ka ah ay sameeyeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay usheegeen in howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashanayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo waliba kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgaladaasi ay ugu suura gashay in deegaanka Jameeco iyo sidoo kale Deegaano hoostaga degmada Buur-hakaba.

Sidoo howlgalka ciidanka dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen gobolka Baay ayaa la sheegay in ay ku bur buriyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Jameeco ee gobolka Baay.

Howlgalka lagu qaaday deegaanadan ayaa waxaa ay ka dambeysay markii guddiga nabadgeliyadda gobolada koofur galbeed ay shir ay wada yeesheen isla markaana go’aamiyeen in howlgal lagu qaado goobahaas.

Howlgaladan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli shalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu dib ugu soo laabtay Magaalada Beydhabo isagoo Madaxda Itoobiyo iyo Kenya kala soo hadlay sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada Koonfur Galbeed.