DHAGEYSO XOG+KASHIFAAD:- Galmudug oo si Cad u sheegtay Siyaasiyiinta ku lug leh Dagaal beeledyada

0

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka maamulka Galmdug Maxamed Aadan Socdaal oo maanta la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa si kulul uga hadlay xiisad beeleedyo ka aloosan deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur.

Socdaal ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin Dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada ku dhow dhow degmada Ceelbuur isagoo ugu baaqay Odayaasha labada dhinac in ay ka qeyb qaataan joojinta colaadaasi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin ku lug leh dagaalkaasi kuwaas oo uu sheegay in ay ka leeyihiin dano Siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

“ Arrintaas waxbaan ka qabaneynaa mana yeeli doonno sii socoshada  Colaadaasi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Socdaal.

Walow Wasiirku sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin ku lug leh hadana ma carabaabin Magacyada Siyaasiyiintaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad ay ka aloosneed deegaanno ku dhow dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

HALKAAN KA DHAGEYSO