WAR DEG DEG:- Qaraxyo Is xig xiga ayaa lagu Weeraray Xarunta CID ee Muqdisho

0

Qaraxyo is xig xiga ayaa lagu Weeraray Xarunta Dambi baarista Ciidanka Booliska ee CID,taas oo u dhaw Isgoyska KM-4 Ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ay Qaraxyada ka dib Weerar toos ah ku qaadeen,waxaana la maqlayaa Rasaas dhaceysa.

Waxaa istaagay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha,iyadoo Wadada Maka-almukarama ee halkaa marta ay tahay mid si weyn loo isticmaalo.