TOP+SAWIRRO:- Madaxwayne Cabdiwali Gaas oo Garoowe kusoo dhaweeyay Xulka Puntland.

0

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa barqanimadii maanta magaalada garoowe uga qaybgalay soo dhawayn wayn oo loo sameeyay Xulka kubada Cagta puntland oo soo qaaday koobkii maamul Goboleedyada dalka iyo Muqdisho oo marti galisay.

Boqolaal dadwayne ah iyo masuuliyiin ka kooban Hay’adaha Puntland ayaa soo dhawaynta uga qaybgalay garoonka diyaardaha Garoowe iyo barxada caasimada oo aad ubuux dhaaftay.

Xulka Puntland ayaa la kulmay dhiiri galin iyo soo dhawayn ballaaran oo maalmahaan la diyaarinayay, waxaana aykulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu saraysa wadanka, iyaoona abaal marino la gudoon siin doono.

3 2 1