TOOS U DHAGEYSO:- Wada Hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo Dib loo bilaabayo iyo Turkiga oo wada qorshe Cusub

0

Dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay inay Dhexdhexaad ka tahay Wada-hadalada u dhaxeeya Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kaas oo dhowr jeer oo horre Dowladda Turkiga marti galisay.

Waxaa ay sheegtay Dowladda Turkiga in Markasta Diyaar u tahay sidii wada-hadaladaas ku qabsoomi lahaayeen haddana Soomaaliya iyagu ula dhaqmaan si-isku mid ah oo aan kala laheyn Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya Olen Ebekar ayaa sheegay inay Soomaaliya Hormar ku gaari karto iyada oo Noqota mid mideysan taasna sidii lagu gaari lahaa markasta ka shaqeynayaan.

Waxaa uu Safiirku sheegay in Muhiimada lasaarayo sidii waxkasta si-wanaagsan ugu dhamaan lahaayeen markasta.
Sidoo kale Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olen Ebekar ayaa codsaday in aan marnaba la-carqaleyn wada-hadalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Dhowr Jeer hore ayaa waxaa dhacay kulamo u dhaxeeyey Dhinacyo kala matalayey Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kuwaas oo sheegay inay isaga go-een Soomaaliya inteeda kale, inkastoo aysan jirin wax Natiijo ah oo kulamadaas ka soo baxay.

Dadka Arrimaha Siyaasadda aadka uga hadla ayaana sheegay in aan marnaba leysku soo hadal qaadin Qodobadii aadka muhiimka u ahaa oo Dadku daneynayeen kuwaas oo ay kamid tahay arrinta gooni isku taaga Soomaaliland iyo sida laga yeelayo iyo arrimo kale oo muhiima.

HALKAAN KA DHAGEYSO