TOOS U DHAGEYSO:- Howlgallo gaar ah oo ka socda gobolka Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii xalay ciidamada dowladda iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Mareerey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ah mid ka soconaya deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Mareerey oo xalay dagaal uu ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaalka xalay dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Shabaabka ayaa ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in uu jiro khasaare soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in faah faahin ka bixin doonaan howlgaladan marka ay soo gaba gaboobaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO