TOOS U DHAGEYSO:- Ciidamada Dowladda oo dib ula Wareegay Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwa Maamulka Koofur Galbeed iyo AMISOM ayaa dib ula Wareegay Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool,kaas oo 50KM u jira Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Huwanta ah ayaa hadda Maamulaya Degaanka Garasweyne,kaas oo Todobaadkii hore ay la wareegeen Al-shabaab markii ay iskaga baxeen Ciidamada Dowladda Itoobiya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Dhaqdhaqaaqyo ka wada Gobolka Bakool,kuwaas oo doonaya in ay Al-shabaab ka Saaraan qeybo ka mid ah Gobolka Bakool.

Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool ayaa Ciidamada AMISOM ay iskaga baxeen ,inkastoo ay hadda dib u la wareegeen .