DHAGEYSO+SAWIRRO:- Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday CID-da

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerarkii Maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho,waxaana dadka Weerarka ku dhintay ay Gaarayaan ilaa 13 Qof halka Dhaawacu uu 20 ku dhaw yahay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dadka dhintay ay 7 ka mid ah yihiin Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday,halka inta kale ay yihiin Shacab,marka laga reebo hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ciidanka Ammaanka Soomaaliya oo uu sheegay in ay la dagaalameen Shabaabkii Weerarka ku soo qaaday CID-da.

HALKAAN KA DHAGEYSO

9 8 7 6 5 4 3 2 1