DHAGEYSO:- Maamulka Afgooye oo war ka soo saaray Guulo Al-Shabaab sheegteen

0

Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga ee maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Mahdi Axmed Xasan oo la hadlay Radio Shabelle ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxa uu beeniyay in wax khasaaro ah ay ka soo gaareen Ciidamada dowladda weerar saacadihii la soo dhaafay  Xarakada Al Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladdu ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Wuxuuna sheegay Guddoomiye ku xigeenku in Ciidamadu ay sameeyeen iska cabin kadib markii weerar Gaadmo ah ay ku soo qaadeen Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab xilli Ciidamadu ay ku sugnaayeen fariisin ay ku leeyihiin meel u dhow Degmada Afgooye.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in khasaaro ay gaarsiiyeen dhinaca weerarka ku soo qaaday walow uu ka gaabsaday in uu cayimo khasaarahaasi.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta Afkooda ku hadasha ayaa sheegay in weerar khasaaro xoogan geystay ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan duleedka degmada Afgooye.

Wararka kale ee laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Kooxo Hubeysan ay qof  Ganacsade ahaa ku dileen degmadaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO