DEG DEG+DHAGEYSO:- Ururka Ahlu sunna oo xabsiga dhigtay nin mudo ay ku raad joogtay

0

Ciidanka maamulka Ahluna Sunna ee Dhuusamareeb  ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen in lagu eedeeyay in uu dil ka geystay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ninka ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka maamulka Ahlu sunna ayaa la sheegay in horaantii sanadkaan uu dil ka geystay deegaan hoos yimaada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa la sheegay markii uu dilka geystay in uu u baxsaday degmada Caabud Waaq , halkaas oo ay kasoo qabteen ciidanka Ahlu Sunna.

Taliye ku xigeenka ciidanka Ahlu sunna ee Gobolada Dhexe  Cabdinuur Maxamed Xuseen ayaas sheegay in ciidanka Ahlu Sunna ay gacanta kusoo dhigeen gacan dhiiglaha ayna sharciga horkeeni doonaan maalmaha soo socda.

HALKAAN KA DHAGEYSO