DEG DEG+DHAGEYSO:- Sarkaal Al-Shabaab caan ka ahaa oo la dilay+Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay

0

Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho uxaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka lagu magacaabo Garasweyne oo hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

La wareegitaanka deegaankan ayaa yimid kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay maalmihii udambeeyay howlgallo ay ka wadeen deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Maxamed Macalin Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sidoo kale sheegay howlgalka lagula wareegay deegaanka Garasweyne in lagu dilay sarkaal ka tirsan Shabaab.

Howlgallada maalmihii udambeeyay ciidanka dowladda ay ka wadeen gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Labadaasi gobol, waxaana saraakiisha ciidanka dowladda ay sheegeen in howlgalladan looga gol leeyahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO