Booliska Mudug oo Gaadiidka ku amray in Bacda madow laga fiiqo

0

C/waaxid Cabdulle Warsame Taliya qeybta Booliska Puntland ee Mudug,oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa ka hadlay qodobo la xariira amniga Gobolka Mudug, waxaana uu fariin u diray dadka amniga khal-khaliya.

Wadayaasha Gaadiidka ayuu ugu baaqay in ay garwaaridooda ka faqiiqaan bacda madow, waxaana uu sheegay in ay ganaaxayaan gaarigii ay ku qabtaan macda madow.

Waxaa kale uu taliyuhu fariin u diray gaadiid dhinac ka mara kaantaroolka magaalada gaalkacyo, waxaana uu sheegay in gaadiidkaas talaabo laga qaadi doono.

Booliska Puntland ayaa dhowr jeer soo saaray digniino la xiriira Bacaha Madow eek u dahaaran Muraayadaha Gaadiidka,kuwaas oo wax ka qabashadooda aysan waxba ka dhaqan gelin.