Booliska Canada oo lagu eedeeyay in ay dhibaato u geystaan dadka Soomaaliyeed

0

Waxaa wali magaalooyin waa weyn ee dalka Canada ka socda Banaan baxyo ay dhigayaan Soomaali iyo sidoo kale dadka u dooda xuquuqul insaanka .

Banaan baxyada ayaa waxaa looga soo horjeeda dhibaato ay u geysteen ciidanka amniga dalka Canada Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo dhawaan ku baxay gacanta ciidanka Booliska dalka Canada.

Ciidanka ammaanka dalka Canada ayaa lagu eedeeyay in ay tacadiyo kala duwan u geystaan dadka madowga ah ee kunool dalka Canada, waxaana dadka banaan baxyada dhigaya ay ku baaqayaan in wax laga qabto arintaasi.

” Waxaan rabnaa inaan ogaano sababta loo dhibaateeyo dadka madowga ah, waxaan u baahanahay inaan muujino dareenka aan uga soo horjeedno dhibaatada lagu hayo dadka madow ah ,waxaan si wadi doono banaan baxyada iyo xiisada noo dhaxeysa booliska , tan iyo inta ay dowladu bixinayso jawaab ku aadan dad badan oo madow ah oo lagu dilay dalka Canada ” waxaa sidaasi yiri Okonkwo ka mid ah dadka banaan baxyada dhigaayay.

Dhanka kale qaar ka mid ah Hay’adda u dooda xuquuqul aadanaha ayaa ku tilmaamay tacadi aan loo meel dayin in ciidanka booliska gacantooda ay ku baxaan dad badan oo madow ah oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdi.

Dalka Canada ayaa waxaa lagu dilay sanadyadii la soo dhaafay dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad farabadan , iyadoo waalidiintii dhashay dhalinyaradaasi ay ku doodayaan inaan wali gacanta lagu soo dhigin kooxihii ka dambeeyay dilalka wiilashooda.