Golaha amaanka oo isku raacay in Ciidamo oo booliis ah loo diro Dalka Burundi

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in ciidamo Boolis ah loo diro dalka Burundi, si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa amniga iyo xuquuqda aadanaha.

Burundi ayaa waxaa ka jiray qalalaaso tan iyo sanadkii hore markii Madaxweyne Peire Nkrunziza uu ku dhawaaqay in mar saddexaad uu qabanayo xafiiska, iyadoo mar kale dib loo doortay doorasho shaki badan la geliyay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ogolaaday in 228 askari Boolis ah loo diro caasimada Bujumbura, inkastoo afar ka mid ah 15-ka xubnaha joogtada ka aamuseen.

“Marka la eego kororka rabshadaha iyo xiisada ka taagan Burundi, waxaa looga baahan yahay Golaha Ammaanka inay il gaar ah ku hayaan” sidaas waxaa yiri safiirka Faransiiska u fadhiya UN-ka Francois Delattre.

In ka badan 450 ruux ayaa lagu dilay Burundi, tan iyo markii qalalaase siyaasadeed uu ka bilowday dalkaas, iyadoo dadka la dilay ay u badnaayeen dad rayid ah.